Tirada dadka ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne oo kordhay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay magaalada Beladweyne, kuwaasoo ay fuliyeen 2 nin oo mid gaari waday iyo mid isku soo xiray waxyaabaha Qarxa.

Qaraxa 1-aad oo ka dhacay gudaha Xerada lamagalaay oo ay ku dhaxyaalaan Madaxtooyada iyo xarumaha dowladda ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha Qarxa isagoo beegsaday Xildhibaan Marxuum Aamino Maxamed Cabdi iyo dhowr askari oo ilaalo u aheyd.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Marxuum Aamina ayaa u socotay kulan ay kula balansaneyd Madaxweynaha Hir-Shabeelle balse waxaa weerarkaas lagu dilay iyada iyo askartii la socotay.

Qaraxa 2-aad oo ahaa Ismiidaamin gaari loo adeegsaday ayaa lala beegsaday gaari ciidan oo dhaawacyo ka soo qaaday gudaha Xerada maadaama aan loo ogoleyn gaadiidka rayidka ah, waxa uuna Qaraxaan ka dhacay meel u dhaxeyso Isbitaalka Magaalada iyo Hotel Kaamil.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Qaraxaan uu geystay khasaaraha ugu badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogleh, iyadoo weli siweyn Magaalada qaraxyadii xalay looga dareemay.

ilaa 10 qof ayaa lagu la’yahay nolal iyo geeri, waxaana Dadka dhintay ay isugu jiraan siyaasiin, odayaal dhaqan, ganacsato, askar iyo dad kale oo shacab ah, waxaana saaka Magaalada ka socda howlgallo ay wadaan Ciidamada Ammaanka.

wariye liibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here