Taliyaha Booliska Somaliland “Soomaliya nabadgelyo kama wada shaqayn karno”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqandhi Dabagale ayaa ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Somaliland, maadaama Somaliland ay horay u sheegtay in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale

Waxaa uu sheegay in wada shaqeyn ay ka dhaxeyso  Laamaha Ammaanka ee Somaliland , itoobiya balse  aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya laamaha Ammaanka Somaliland kuwa Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya iy Somaliland aysan siyaasadda heshiis ka aheyn, islamarkaana aysan wada shaqeyn Karin.

“Soomaliya nabadgelyo kama wada shaqayn karno, Iskumana iman karno, Siyaasada oo laga heshiiyo mooye.”ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu xusay in baaritaano gaar ah ay ku sameeyaan dadka sida gaarka ah uga imaanaya Soomaaliya, maadaama ay ka jiraan falal amni daro oo aad u ballaaran.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadka markii ahaa 1991-ka, waxaana ay u madax banana tahay arrimaheeda amniga.

wariye liibaan

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here