Madaxweyne K/xigeenka Koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ka furay Magaalada Kismaayo Shirka isku xirka Howlaha Laamaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo sedexdii bilba mar la qabto.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ugu horeyn sharaxaad ka bixiyey ujeedada shirkan, ayaa xusay in Shirkaani uu yahay shir sadexdii biloodba mar la qabto islamarkaana diiradda lagu saaro dhageysiga talooyinka Hay’adaha shaqa wadaaga la ah hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxqabadka, caqabadaha sedexdii bilood ee la soo dhaafay, iyo ka doodista qorshaha shaqo ee sadexda bil ee soo socota.
Agaasimaha Guud ee HSJ, oo ka hadlayay waxyaabihii kanqabsoomay qorshaha sedexdii hilood ee la soo dhaafay ayaa carabka ku dhuftay in Hey’addu qabatay shaqooyin muhiim ah oo ay kamid yihiin Hirgelinta Xafiisyo cusub oo laga bixinayk adeegga Baasaboorka oo ay kamid yihiin Xafiisyada, Degmada Ceelbarde, Safaaradda Soomaaliya ee dalka Indonesia iyo dib u howlgelinta Xafiiska Baasaboorka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Dhanka kale Agaasimaha ayaa carabka ku dhuftay in sedexdii bil ee la soo dhaafay la furay Xafiiska ka jawaabista cabashooyinka kaas oo 24 saac shaqeynaya isla markaana looga jawaabo Cabashooyinka ka soo laabto adeegyada ay bixiso Hay’adda.
“Waxaan hirgelinay adeeg fariimo loogu dirayo muwaadiniinta la diiwaangeliyay codsiyadooda baasaboorka kuwaas oo fariin ugu soo dhaceyso Mobile-dooda marka ay baasaboorkoodu diyaar yahay isla markaana ay soo doonan karaan” Agaasimaha Guud ee HSJ.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubaland Md Mudane Cabdullaahi Dhubad Shiil, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu Hay’adda Socdaalka & jinsiyadda Soomaaliya kala soo qeybgalo shirkan Sedex biloodlaha ah oo ka dhacaya Magaalada Kismaayo, Wasiirka ayaa sheegay in Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee deegaanada Jubaland ay wadashaqeyn fiican la leeyihiin.
Wasiirka Maaliyadda Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Xuseen Xersi Axmed oo shirka ka soo qeybgalay ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay tahay Hay’ad soo xareyao dakhli, Saraakiisha ka howlgalana ay yihiin saraakiil ku sifoobay shaqo wanaag iyo hufnaan taas oo keentay in ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda Jubaland.
Wasiirka Amniga Jubaland Amniga Jubaland General Yuusuf Xuseen ayaa ka hadley shirka, ayaa bogaadiyay wadashaqeynta hagaagsan ee ka dhaxaysa hay’adda iyo maamulka Goboleedka Jubaland, wuxuuna madaxda iyo howlwadeenada hay’adda kula dardaarmey in ay sii hormariyaan hababka wadashaqeynta iyo fududeynta adeegyada.
Madaxweyne K/xigeenka Koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Maxamud Sayid Aadan oo shirka furay ayaa ayaa bogaadiyay in shirkaan lagu qabto Magaalada Kismaayo. Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegay in adeegga Baasaboorka oaga soo bilaabay hal dagmo iminkana ay Hay’adda ka howlgasho inta badan degmooyinka dalka taas oo fududeysay in adeegga loo dhaweeyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala sugan Degmooyinka uu ka kooban yahay dalka. Madaxweyne K/xigeenka ayaa kula dardaarmay madaxda Hay’adda in halkaasi ka sii wadaan shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale shirku intuu socday waxaa hadalo ka soo kala jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose Md, Cabdirashid Cabdullaahi Cali, Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Md, Cumar Cabdullaahi Maxamed, Maareeyaha Garoonka Kismaayo Md, Cabdullaahi Aadan Maxamud iyo Gudooomiyaha Dhalinyarada Jubada Hoose Md, Axmed Maxamed Taqal. dhamaantood xuseen in wada shaqeynta HSJ iyo Hey’adaha ay madaxda ka yihiin wadashaqeyntooda ay heer sare tahay isla markaana ay sii joogteym doonaan wadashaaeynta kala dhaxeysa.
Ugu dambeyn Shirka oo socon doona mudo labo maalmood ah , waxaa gelinkii dambe ee maanta warbixino shaqo looga dhageystay Agaasime waaxeedada HSJ, kuwaas oo markii dambe ka wada dooday shaqooyinka Hey’adda, caqabadaha jira, horumaradii la sameeyay Sadexdii bilood ee la soo dhaafay, iyo qorshayaasha u degsan Hay’adda ee la doonayo in la fuliyo sadexda bilood ee soo socota.
wariye liibaan