sida lagu sheegay War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi in aysan aqoonsanayn dukumeentiyada Soomaaliya lagasoo qaato ee ay bixiso dowladda Feseraalka ah ee Soomaaliya.
Arrintaan ayaa waxaa ay saameyn daran ku yeelatay Soomaali badan oo xaraystay barnaamijka baqtiyaa-nasiibka ee loo yaqaano Lottery-ga kuwaas oo dekumentiyadooda Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay u sheegtay in aysan aqoonsaneyn.
Sidoo kale tallaabadaan ay qaaday Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa saameysay dadka u safraya arrimo caafimaad, ardayda iyo qoysaska doonaya inay dib u midoobaan, kuwaas oo hadda walaac xoogan muujinaya.
” Waan ka xunnahay, laakiin tani sideedii ayay ahaan doontaa illaa aan ka helno macluumaad ah in siyaasaddan wax laga beddelay,” ayay tiri safaaradda Mareykanka ee Nairobi.
Sanadkii tegay ee 2021 ayaa Soomaali farabadan waxaa ay xareeysatay barnaamijka baqtiyaa-nasiibka ee loo yaqaano Lottery-ga, waxaana tallaabadaan ay tahay mid niyadjab ku abuureysa dadkaas.