Qoor Qoor oo la kulmay Xubno katirsan Guddiyada doorashooyinka

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, iyo xubno ka tirsan heer Federaal.

Madaxwaynaha ayaa uga mahadceliyay guddiga shaqada adag oo ay qabteen, xilli guud ahaanba ay soo dhamaystireen doorashada kuraasta Baarlamanka Soomaaliya ee kadhacay labada deegaan doorasho ee kala ah Dhuusamareeeb iyo Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in Galmudug ay juhdi farabadan kubixisay sidii jadwalkii loo qorsheeyay in lagu soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka ay kusoo dhameystirka, taasina ay ku gaareen dadaalkooda.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Xildhibaannada labada Aqal ee degaan doorashadoodu ay tahay Galmudug inay sidhab ah ugu adeegaan Bulshada ama Beelaha ay matalayaan

wariye liibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here