Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la dhigo ee meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lala eegtay Guddooimye kuxigeenka Amniga degmadaas.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Hooyga Guddoomiye kuxigeenka degmada Walanweyn Cabdullaahi Gaduudow, waxaana la sheegay in uu qaraxa ku dhintay Wiilkiisa oo kamid ahaa ilaaladiisa halka dhaawac fudud uu kasoo gaaray Guddoomiye kuxigeenka iyo mid kale oo kamid ah ilaaladiisa.
Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmada Walanweyn ayaa tegay halka uu ka dhacay qaraxa, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawacyada, sidoo kalena sameeyay howlgallo kala duwan.
laamaha Amniga degmada Walanweyn iyo Maamulka degmadaas ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin qaraxaas, hayeeshee uu kusoo beegmayo xilli Bilihii la soo dhaafay xaaladda Amni ee degmada Walanweyn ay aheyd mid wanaagsan.
wariye liibaan