Puntland oo qabatay Doomo Shisheeye oo Kalluumeysi sharci darro ah waday

Kadib howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF iyo Booliska degmada Xaafuun ee gobolka Bari kusoo qabtay Doonyo laga-leeyahay dalal shisheeye, kuwaas oo si sharcidaro ah uga kalluumaysanaayey Badda degaannada Puntland.

War kasoo baxay taliska Ciidanka Badda Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalka uu socday muddo laba Cisho ah balse aan lagu shaacin dalalka Shiseeye ee  laga leeyahay Doomahaas sida sharci darrada ah uga kalluumeysanayay Xeebaha Gobolka Bari.

Saraakiil katirsan Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa waxaa ay sheegeen inay baaritaan kuhayaan Doomahaas iyo Ajaanibta la socota, isla markaana dhawaan ay Warbaahinta usoo bandhigi doonaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale Ciidamada Puntland ay u qabteen doomo Shisheeye oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay Xeebaha Puntland, kuwaas oo Puntland ay ku riday xukuno kala duwan kana musaafurisay degaannadeeda.

wariye liibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here