Madaxweynaha Puntland & kuxigeenkiisa oo kulan gaar ah yeeshay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Xarunta Madaxtooyada ay kulan wadatashi gaar ah ku yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni & ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka ayaa la sheegay in uu dalbaday Madaxweyne Deni, isla markaana kuxigeenkiisa uu kala tashanayay mas’uuliyiin cusub oo la magacaabayo kuwaas oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Agaasimayaal.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka labada mas’uul uu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen, hayeeshee ay labada mas’uul isfaham gaareen.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu soo saaro Wareegto uu ku Magacaabayo Wasiiro iyo Agaasimayaal, isbedelkaas oo dad badan ay xilalka ku weyn doonaan.

wariye liibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here