Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Amray in baaris deg deg ah lagu sameeyo Qaraxyadii Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aad u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada Magaaalada Beledweyne oo ay ku geeriyoodeen Allaha u naxariistee Xilibaan Aamino Maxamed Cabdi, Xilibaan hore Cali Cabdi Dhuxul Masuuliyiin iyo dad shacab ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadowga argagixisada ay marwalba qorsheeyaan xasuuqa dadka waxgalka u ah bulshada lagama maarmaana ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada dadkii ku nafwaayay weerarka waxa uuna alle uga baryay in naxariistii janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxa uu alle u waydiiyay caafimaad deg deg ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray hay’addaha amniga in baaris deg deg ku sameeyaan qaraxyadii ka dhacay Magaalada beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

wariye liibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here