Beledweyne: 05, Febaraayo,2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa caawa kulan la qaatay musharaxiinta u taagan tartarnka xildhibaanimo ee Golaha Shacabka.
Madaxweynaha ayaa musharaxiinta u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, waxa uuna balanqaaday inaysan dhici doonin in kursi loo xiro cid gaara.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hay’addaha amniga kala shaqeeyaan nabadgalyada Magaalada Beledweyne.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com