Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo AMISOM kala hadlay Amniga Gobolka

Goddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe MAxmed Meyre Makaraan ayaa kulan la qaatay  Taliyaha ciidamada Amisom Qeybta sactar 5 ee ka Howlgala Hirshabelle

Kulanka Gudoomiyaha iyo Taliyaha waxaa ku wehlinayey Gudoomiye kuxigeenka Siyaasada Gobolka Gudoomiyaha Maamulka Degmada Jowhar iyo Korneyl Saney Cabdulle.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta Amniga Guud ee Gobolka gaar ahaan sugida amniga Garoonka Diyaaradaha Magalada Jowhar oo muhiim u ah Maamulka.

Sidoo kale Guddoomiyaha iyo Taliyaha ayaa ka hadlay sidii dayactir loogu sameynlahaa wadada gasha Garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar.

wariye liibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here