Laftagareen Oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Shabelaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin Nuur isagoo markale u magacaabay guddoomiyaha gobolka shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxeynaha Koofurgalbeed ayaa lagu shaaciyay xilka ka qaadista guddoomiyaha gobolka Sh/hoose balse lama sheegin sababta xilka loogaga qaaday.

Ibraahim Najax oo xilkan hore u soo qabtay ayaa waxa uu ahaa hadda Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Koofurgalbeed.

wariye liibaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here