laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysaneysay

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay sameeyeen ayay gacanta ku dhigeen burcad hubeysan oo dad shacab ah ka dhacayay teleefoono xaafada Raadeelka oo katirsan degmada Dayniile ee Gobolkan Banaadir.

Ragga Burcadda oo qaarkood ku labisan dareyska Ciudanka Millateriga ayaa ka hor qabashadooda waxaa ay dagaal kooban la galeen Ciidamada Booliska, waxaana Ciudamada u suurto gashay inay qabtaan Saddex Burcadda ah iyo Mooto Bajaaj ay wateen halka mid kale uu baxsaday.

Saraakiil dhanka Amniga ah ayaa Risaala u sheegay in sidoo kale Ciidamadu ay la wareegeen teleefoono dhowr ah oo burcadan kasoo dhaceen shacab degan xaafado katirsan Dayniile gaar ahaan xaafadaha Raadeelka iyo Owdweyne.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka kunool Xaafadaha degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ka cabanayeen Kooxo hubeysan oo dhac u geeysanayay taas oo keentay in Ciidamada Ammaanka ay  howlgal sameeyaan.

wariye liibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here