Jabuuti oo xirtay Masuuliyiin lagu helay lacago ay muq maasuqeen

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in kadib markii la sameeyay xisaab hubin lagu helay in lacag Bilaayiin France ah lagu lunsaday heshiis ay ku sheegtay in uu ku dhisnaa mid khiyaano kaas oo dhex maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato.

Xeer-ilaaliyaha guud ee dalkaJabuuti qoraal uu soo saaray ayuu ku yiri “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda ayada oo cadad aad u ballaran ku bixineysa adeegyo u muuqdo kuwa la been abuur ah oo aan jirin.”
Sidoo kale waxuu tilmaamay in la xiray laba mas’uul oo ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo wasiir hore, iyadoo la xiray qaar ka mid ah ganacsatadii ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale oo baaritaanka uu soo galay.
Xeer-ilaaliyaha ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada ay qirteen eedaha loo soo jeediyey markaana ay soo celiyeen qaar ka mid ah lacagtii ay sida sharci-darrada ah u qaateen.
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in baaritaanka uu halkiisa ka sii socon doono dadka ku lugta leh loo gudbin doono xafiiska dacwad oogaha guud, si cadaaladda loo mariyo.
Ugu dambeyn waxaa uu tilmaamay Dadka la xiray iyo dhammaan kuwa la eedeeyey ayaan si deg deg ah looga helin karin jawaab ku aadan eedda loo jeediyey.Ugu dambeyn waxaa uu tilmaamay Dadka la xiray iyo dhammaan kuwa la eedeeyey ayaan si deg deg ah looga helin karin jawaab ku aadan eedda loo jeediyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here