Howlgallo ka billowday Muqdisho kadib Amaradii Farmaajo & Rooble

Kadib kulamo is xigay oo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ay la yeesheen Saraakiisha Hay’adaha Amniga ayaa Ciidamada Amaanka waxaa ay Muqdisho ka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida qeybta Waliyow- Cadde ayaa howlgallo kala duwan ka fuliyay qeybo kamid ah Gobolka Banaadir iyo degmada howl-wadaag, iyada oo lagu soo qabqabtay dad looga shakiyay inay liddi ku yihiin Amniga.

Ciudamada ayaa baaritaano Guri Guri ah sameeynayay, iyaga oo mararka qaar baarayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana howlgalka hoggaaminayay Saraakiisha Ciidamada Booliska & Nabadsugida qeybta Waliyow-Cadde.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska qeybta Waliyow-Cadde oo howlgalka faah faahinayay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta Amniga, iyaga oo fulinaya Amarkii Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha maadaama ay soo dhawdahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Shacabka Muqdisho inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga si looga guuleysto kuwa liddiga ku ah amniga ee dilalka geysta iyo kuwa dhaca dadka Shacabka ah.

Howlgalkan ay Ciidamada Ammaanka ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmay xilli maalmihii la soo dhaafay laga deeyrinayay Amniga Caasimadda, isla markaana ay dhaceen weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay sheegteen Al-Shabaab.

wariye liibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here