Guddiga maamulka doorashada Koofur galbeed waxaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in ay qabtaan doorashada 6-Kursi oo ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, kuwaa oo deegaan doorashadooda Baydhabo.
Shalay ayey ahayd markii Guddiga doorashada ay diiwaangeliyeen musharixiin dhowr ah oo u tartamaya kuraasta lix-da waxaana ay kala yihiin kuraastaas iyo musharixiinta u tartameysa:
Kursiga HOP#050 waxaa ku tartamaya Axmed Nuur Sheekh Maxamed Lohos iyo Maxamed Ibraahim Aadan, inkastoo kursigaas uu horey ugu fadhiyay Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.
Sidoo kale, kuraasta maanta doorashadooda lagu qabanayo Baydhabo waxaa ka mid ah Kursiga HOP#275 oo ay ku tartamayaan Xildhibaan Cabdisitaar Cali Xasan & Ismaaciil Ciid Maxamee, waxaana horey ugu fadhiyay Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.
Kursiga HOP#275, waxaa ku tartami doona Musharrax Xildhibaan Cabdisitaar Cali Xasan & Ismaaciil Ciid Maxamee, Iyadoo uu horey ugu fadhiyay kursigaas Xidldhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.
Sidoo kale, Kursiga HOP#183 waxaa isna ku tarmaya Muqtaar Maxamed Guuleed & Xuseen Cali Aadan, waxaana horey ugu fadhiyay Xildhibaan Sandheere Maxamed Iftin.