Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta oo Isniin ah Magaalada Beledweyne ku qabanaya doorashada kursiga Hop#058 oo ay ku tartamayaan musharrixiin farabadan.
Shalay ayaa qorshuhu ahaa in Magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada Kursiga Hop#058 balse loo baajiyay sababo dhanka Amniga ah, waxaana musharrixiinta Maanta ku tartamaya doorashada ay kala yihiin.
1: Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
2: En, Yoonis Maxamed Nuur.
3: Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
4:Cabduqaadir Xuseen Coloow.
5: Maxamuud Afdhuub Makaraan
6: Cabdullaahi Axmed Xuseen
7: Ubax Cali Sheegow
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa weli u harsan doorashada kuraas kale oo uu kujiro kursiga Hop#135 oo ay horay ugu fadhiday Alle ha u Naxariistee Aamino Maxamed Cabdi oo dhawaan qarax lagu dilay Magaalada Beledweyne & kuraas lagu dooranayo Magaalada Jowhar
wariye liibaan