Dhalinyaradan oo la la’aa muddo 5 cisho ah ayaa geeridooda la ii xaqiijiyey ka dib markii la sheegay in ay soo heleen ciidanka booliska dalka Giriiga.
Dhalinyaradan oo ka koobnaa 9 qof 5 ka mid ahna la hubo iney soomaali yihiin ayaa ku geeriyoodey dooni ku qaracantey bada Lesbos’ ee Giriig, dhalinyaradan ayaa ka baxay Magaalada Izmir ee Dalka Turkiga 28.2.2022.
Dowladda Giriiga ayaa sheegtay in doonida ay quustay markii ay buux dhaaftay ka dib dabeylo xooggan oo badda ka jiray.
Shan kamid ah 9-ka dhalinyarada Soomaaliyeed ee la sheegay inay ku geeriyootay badda u dhexaysa Turkiga & Giriiga
1- Maxamed Mustafe Xasan
2- Abdalle Mohamed Warsame
3- Ibrahin Axmed Bile
4- Asiya Ciise Aadan
5- Muna Awcabdi Ibrahim.
wariye liibaan