Deni oo Maanta la kulmaya Isimada Dhaqanka & laamaha Amniga Gobolka Bari

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo weli ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta kulan qado ah la la qaadanaya  Isimada dhaqanka, cuqaasha, Ciidamada Amaanka iyo Haldoorka Gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxaa aida la sheefay uu noqonayaa mid lagu xoojinayo heshiiskii laga gaaray xiisadii ka dhalatay xilka ka qaadistii Agaasimihii  PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, kaas oo xilkiisii lagu celiyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa Odayaasha Dhaqanka Gobolka Bari uga mahad celinaya doorkii ay ka qaateen xal ka gaaristii arrintii Magaalada Boosaaso ee sababtay gacan ka hadalka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowr jeer horay ula kulmay Isimada Gobolka Bari iyo Agaasimaha PSF Maxamuud Cimaan Diyaano taasi oo sababtay in heshiis la wada gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here