Dagaal ka dhacay Gobolka Bakool & faah faahin laga helayo

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur Galbeed, waxaana degmadaasi Xudur ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu siweyn u saameeyay degmada iyo degaannada u dhow dhow, isla markaana ay ku dhaaeacmeen askar katirsan Ciidamada.

Saraakiil katirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in ay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

wariye liibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here