Ku simaha Taliyaha Booliska Degmada Baledweyne Bashiir Cadaani ayaa sheegay in Qaraxyadii xalay ka dhacay Baledweyne uu fuliyay ruux soo xertay Jaakad kasameysan walxaha Qarxa iyo sidoo Kale Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Goobta ay ka dhaceen qaraxyada ayaa waxaa uu sheegay in sirasmi ah aysan weli u ogeyn khasaaraha dhimasho iyo mida dhaawac ee ka dhashay qaraxyada.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay sidoo kale wadaan baaritaano la xiriira tirade rasmi ah ee dadka ku waxyeeloobay qarxa, isla markaana markii uu dhamaado baaritaanka ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.
Qaraxyadii labada ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku geeriyooday Xildhibaan Aamino Maxamed oo kamid aheyd Xildhibaannada sida weyn uga soo horjeeday Villa Somalia, isla markaana u doodayay Ikraan Tahliil. wariye liibaan