Askar Ka Tirsan Gorgor Oo Lagu Dilay Dhuusa-Mareeb Iyo Gaari Laga Qaatay

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegay in halkaasi lagu dilay laba kamid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, halka mid kalena la dhaawacay kadib weerar ay ku qaadeen dabley hubeysan.

Weerarkan waxa uu ka dhacay aaga Bangigii hore, iyadoo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan cida ka danbeysay toogashadan, warraka qaar waxa ay sheegayaan in duulaankan ay ka danbeeyeen xubno ka tirsan Kooxda Ahlu-Suna ee fadhigooda yahay deegaanka Bohol.

warka laga helayo waxey sidoo kale tilmaamayaan in dableyda dilka iyo dhaawaca geysatay ay hore u sii qaateen gaari Cabdi bile ah oo uu ku xiran yahay qoriga Dhashiikaha, gaarigan wuxuu kamid ahaa hub iyo gaadiidka Ahlu-Suna looga qaatay dagaalkii kooxda looga saaray Dhuusa-Mareeb sanadkii 2020, wuxuuna si gaara u yaalay xero Inji oo saldhigooda ugu wyn ahaa.

Ciidamada booliska iyo Nabad Sugida Galmudug oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa haatan wada howlgal ay ku baadi goobayaan gaarigan, iyagoo ka cabsi qaba in gacmo kale uu galo kadibna dib loogu soo duulo magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here