Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa weerar geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka geysteen degaan hoostaga Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Xero Ciidamada kenya ku leeyihiin Degaanka Konton oo u dhow Tuulada Qorof Xaraar oo hoostagta Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari, waxaanala sheegay in weerarkaas lagu dilay Askar Kenyan ah kuwo kalena lagu dhaawacay.
Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarka uu dhacay xalay xilli dambe, isla markaana ay maqlayeen dhawaqa hubka cul culus oo ay is weeydaarsanayeen labada dhinac ee dagaalamay balse uusan jirin khasaaro gaaray dad rayid ah.
Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen in degaanka Konton ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya oo ka howlgalyay degankaas.
Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Magaalada Wajeer ayaan weli ka hadlin weerarkaas, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli dhowr jeer oo hore Al-Shabaab sidaan oo kale ay weeraro ka geysteen degaano hoostaga Magaalooyinka Gaarisa iyo Wajeer ee dalka Kenya.