Dawo – Xaaladda waa mid cakiran oon geed laasugu soo ganbaneen Xulafada Farmaajo iyo Fahad ayaa isku-dey kasta u sameynay sidii ay u xaqiijin lahaayeen rabitaankooda

Waxaa saacadihii u dambeeyay waxaa isasoo tarayay guuxa doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP#145 ee uu hadda ku fadhiyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa saaxib aad ugu dawaa Farmaajo oo hoolo badan u soo qabtay.

Sida la ogyahay Kursigaan ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia ah.

Muhiimada u weyn ee loogu xiray kursigaan Maxamed-weli ayaa ah in uusan culeys ku noqon karin rabitaanka La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo asagu raba in uu galo booska Muudey ee guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Fahad iyo Muudey oo isku hayb ah ayaa loolan adag ku dhex-mari lahaa golaha, maadama uu Muudey markale difaacan lahaa booskiisa, waana sababta u weyn ee hadda loo dhaafinayo kursigiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa goor sii horeysay loo diiday in uu ka duulo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, si uu utago magaalada Baraawe oo ay taallo doorashada kursigiisa.

Diyaarad ka qaadi laheyd guddoomiye Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey garoonka Muqdisho ayaa lagu amray inaysan ka bixi karin, waxaana lasoo wariyay in saacado ku jireen Muudey iyo Ciidamo Ilaalo u ah qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cadde.

Xaaladda waa mid cakiran oon geed laasugu soo ganbaneen Xulafada Farmaajo iyo Fahad ayaa isku-dey kasta u sameynay sidii ay u xaqiijin lahaayeen rabitaankooda ku aadan doorashada, gaar ahaan xildhibaanada loogu raadinayo xasaanad oo ugu horeeyo Fahad, oo raba in uu kamid noqdo guddoonka golaha.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here