War Deg-Deg Ah;Qarax Lala Eegtay Kolonyo Galbineysay Madaxweynaha Puntland

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qarax lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo maraya kontaroolka laga galo magaalada Boosaso.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inaysan waxyeelo ka soo gaarin qaraxan balse ay wax ku noqdeen qaar ka mid ah ciidamadii galbineysay wafdigiisa.

Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen qaraxa goor dhoweyd lala eegtay wefdiga Madaxweyne Siciid Deni oo maanta tegay Boosaaso.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo la xiriira qaraxan.

wariye liibaan lucky

Xafiiska damqo Media Network
       Jowhar , Soomaaliya
Email: damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here