Waare “Cabdiweli Muudey wuxuu dhibane u yahay nidaamkii uu wax ka abuuray”

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli ay ku sii jeedeen Degmada Baraawe.

Cabdiweli Muudey ayaa sheegay inuu Baraawe ugu socday, si uu uga qaybgalo tartanka doorashada ee Golaha Shacabka, maadaama halkaasi uu yaalo kursiga uu haatan ku fadhiyay.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Cabdiweli Muudey iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee xukuumadda, Xasan Cali Khayre ay labaduba dhibane u yihiin nidaamka Villa Somalia, oo ay wax ka dhiseen.

“Khayre iyo Muudey labaduba waxay dhibane u yihiin nidaamkii ay wax ka abuureen.” Ayuu Waare ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Waare ayaa muujiyay inaanay labaduba ilaalin sharciga, muddadii ay xafiiska jooggeen, maantana ay guranayaan mirihii ay beerteen.

Waare ayaa qoraalkiisa ku xusay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay iyaguna qaadi doonaan wadddaasi.

Cabdiweli Muudey ayaa Warbaahinta u sheegay inay garanayan ciddii is hortaagga ku sameysay, inkastoo aanu magacyadooda xusin, haddana waxaa uu sheegay inaanan looga hari doonin.

“Arrinka asaga ah dadka ka dambeeyo waa la’ogyahay, waan garan karnaa, waana naqaanaa, mana leeskaga hari doono, mid la iskaga hari doonana ma’aha, xisaabteedana way jirtaa, waana la xisaabtami doonnaa. Haddii loo maleynayo hanjaabadda, guulguulka iyo handadaadda in dadka lagu cabsiiyo la rabo in wax looga haraayo, taas leeskagama hari doono, waana lagu xisaabtami doonnaa, maalinkeedeena taggi doontaa, se waxaan u sheegaya inaanan ahayn aniga qof la handadi karo, loo hanjabi karo amaba la guulguuli karo, maxaa yeelay aniga waxa aan raadinayo waa xuquuqdaydii ee xuquuq bani’aadam kale ma’ahan waxa aan raadinayo.” Ayuu yiri Muudey.

Muudey ayaa si dhow loola xiriirin jiray Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii hore ee Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here