qoraal ah oo ay ku sheegeen ineysan suurtagal aheyn in doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Kulamo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday magaalada Kismaayo masuuliyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland oo looga hadlaayay suurtagalnimada doorasho ka dhacda magaalada Garbahaareey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ayay ku sheegeen ineysan suurtagal aheyn doorasho ka dhacda Garbahaareey oo ay sheegeen in lagu daabulay ciidamo isugu jira NISA iyo Duufaan oo xaalad cabsi galin ah ka abuuray Garbahaareey.

Masuuliyiintaan ayaa kulamadooda kasoo saaray war murtiyeed ka kooban sadax bog oo qoraal ah oo ay ku sheegeen ineysan suurtagal aheyn in doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adda Nabadsugidda NISA ay gobolka Gedo ka abuureen siina huriyeen xaalad amni daro oo horseedi karta gacan ka hadal hubeysan oo dhex mara beelaha wadaaga kuraasta matalaada, ayna is abaabuleen isna hubeeyeen sideed beelood oo ku sugan deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo ah magaalada Garbahaareey

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here