Fahad Daahir ayaa xubno badan oo musharaxiin madaxweyne ah waxay ka tirsanayaan cadaadis xooggan iyo dhibaatooyin, waayna u arkaan inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay xadgudubyadii uu Farmaajo dalka ka gaystay shanti sano ee uu madaxweyne ka ahaa.
Kheyre ayaa horey waxaa loogu xantay inuu weli ku xiran yahay Fahad, islamarkaana laga yaabo inuu taageero ka helo haddii uu gadmi waayo Farmaajo.
Waxaa sidoo kale jirtay eedeymo ku saabsan inuu yahay isha Fahad u dhex fadhisay Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu xogtooda uu u gudbiyo, waxaana hambalyadiisa maanta ay xoojineysaa tuhunadaas.
Tallaabo ka duwan Kheyre, waxaa qaaday musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo weerar ku qaaday Fahad kadib markii maanta la doortay.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com