Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin,Cabdishakur,Kulane Jiis iyo Sadaq John

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug, ayaa lagu yiri qoraalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasi mucaarad ah ayaa waxaa cadaawad dhinac weliba leh kala dhexeysay labadaan nin oo ka mid ah kooxda sida weyn ula shaqeyso madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo).

Saaqdaq Joon ayaa lagu xasuustaa weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isaguna lagu dhaawacay, kadibna la xiray, isaga oo mar dambena la saaray maxkamad.

Dhankiisa Cabdullaahi Kulane ayaa ka mid ah saraakiisha sar sare ee uu siyaagan u hayey takanaha, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha ee aadka ugu dhow Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Si kastaba, saddexdaan xubnood oo lagu wada doortay Dhuusamareeb, kuna cusub Golaha Shacabka ayaa ku biiray baarlamaanka 11-aad dalka, kaasi oo soo dooran doono madaxweyne cusub.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here