Guddoomiyaha Warbaahinta Mustaqbal Axmed Ciise Guutaale ayaa Haramcad ku tilmaamay Buro-foolka uga taalla booliska Soomaaliya, taas wax daawo ah aan laheyn, in laga jaro maahane.
Sidoo kale waxuu aad u eedeeyey taliyaha Haramcad ninka lagu magacaabo Fanax, isagoo ku tilmaamay “Caado-qaate loo adeegsado caburinta saxaafadda iyo guud ahaan dadka reer Muqdisho.”
”Haramacad waa burro foolka kaga taalla Booliiska Soomaaliya, Fanaxow hubka iyo hantida dowladda ee aad heyso waa imtixaane ogaaw, maalin maalmaha kamid ah waa lagaa qaadi doonaa, waliba adigoo eedaysane ah,” ayuu yiri Axmed Guutaale.
Madaxdii warbaahinta madaxa-banaan ee maanta isugu timid Muqdisho ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dhegaha ka fureysatay dalabka cadaalad u raadinta weriyaashii ay dhibaateeyeen ciidanka Haramcad.
Ilaa afar weriye oo ka kala socday warbaahinta madaxa-banaan ee magaalada Muqdisho ayaa jir-dil loogu geystay degmada Kaxda, halkaas oo ay u tageen soo tebinta dhibaatooyinkii ka dhashay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku burburisay saldhigii degmadaas.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com