Ma fahmin !!!
waxaan soo dhaweynaa in Colaadii Hiiraan laga Gaaray Xal Nabadeed.
waxa aanan Fahmin, Shirkii Golaha wada tashiga Qaran ee Horaantii Jan.2022. waxaa Go’aanada ka mid ahaa in Ciidamadu ey Siyaasadda Dhaxdhaxaad ka ahaadaan oo eyna Faragalin.
Shirka Maanta ee Baladweyne waxaa iiga Muuqday Sawirka 4 Janaraal. ( F.S: 1aad).
Dagaalada Ka socday Hiiraan ma waxa ey ahaayeen Dagaalo ka dhashay Kilaaf Ciidan, Mise Khilaaf siyaasadeed iyo Baadi goob Xuquuq maqan?. Haddii khilaafku uu ahaa Mid Siyaasadeed, Janaraalo miyaa loo diraa mise Siyaasiyiinta Hiiraan?.ma siyaasiyiintii Gobalka ayaa guul dareeystay? Mise Saraakiisha qaar ayaa loo ogolyahay in ey faragaliyaan Siyaasadda? Ma fahmin.
Qore: Yahya Amir
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com