Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa markii u horeysay ka hadlay hadal haynta qodob ka mid ah habraaca doorashada Golaha Shacabka

Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa markii u horeysay ka hadlay hadal haynta qodob ka mid ah habraaca doorashada Golaha Shacabka oo Yaasiin Farey u diidaya inuu is-sharxo, haddii aanu buuxin shuruudda laga doonayo.

Qoddobkan oo ah midka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta ayaa waxa uu dhigaya in Saraakiisha iyo ciidamada dowladda ee raba inay u tartamaan kuraasta Golaha Shacabka ay is-casilaan marka hore.

“Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelinta musharaxiinta,” ayuu leeyahay qoddobka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta.

Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo arrintaas ka hadlay ayaa yiri in eedeynta qoddobkaas ay ku saxan yihiin, hase yeeshe habraacu uusan cidna ka reebeynin doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa meesha ka muuqata la jiifiyaaneh bannaan, la joojiyaaneh bannaan.

Waxaa horay u dhacday mar loo tartamaayay Gudoomiyaha Golaha Shacaka, Mursal oo ahaa wasiirka difaaca in oo is casilay kidbna u tartamay Gudoomiyaha Golaha Shacabka sidoo ka Laftagareen oo u tartamaayay madaxweynaha koofur galbeed iyo Huseen oo ahaa Agaasimihii Nisa oo asagna is casilay markoo u tartamaayay madaxweynaha koofur galbeed hadda maxaa diiday in ay is cailaan Mahdi Guuleed iyo Yaasiin Fareey.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here