Qoraalka oo ka kooban afar bog oo la soo saaray fiidnimadii Talaadada, ayuu Madaxweyne Kenyatta ku dhaleeceeyay go’aankii maxkamadda.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa war ka soo saaray xukunkii Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ay ka gaartay muranka soohdinta badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Qoraalka oo ka kooban afar bog oo la soo saaray fiidnimadii Talaadada, ayuu Madaxweyne Kenyatta ku dhaleeceeyay go’aanka, isagoo si adag u sheegay in Kenya ay gebi ahaanba diideyso oo aysan aqoonsan doonin natiijada maxkamadda.

“Bilowgii, Kenya waxay rabtaa inay muujiso inay diidday gebi ahaanba mana aqoonsana natiijada go’aanka. Go’aanku wuxuu ka kooban yahay sii jiritaanka dacwadda ICJ waxayna keenaysaa su’aal aasaasi ah oo ku saabsan ixtiraamka madaxbannaanida iyo oggolaanshaha Dawladaha ee hannaanka garsoorka caalamiga ah, ”ayuu yiri Kenyatta.

“Maxkamadaha caalamiga ahi waxay awood u leeyihiin oo kaliya inta ay le’eg tahay oggolaanshaha Dawladdu.”ayuu sii raaciya

Madaxa dowladda ayaa intaas ku daray in go’aanka maxkamadda adduunka uu xumayn doono xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here