Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu baaqday shirkii madaxda dowlad goboleedyada oo lagu waday in looga arinsado arimaha doorashooyinka dalka kadib markii khilaaf xoog leh uu soo kala dhexgalay madaxweynaha waqtiga xil-heyntiisu dhamaatay iyo ra’iisul wasaare Rooble.
Shirkan oo lagu waday in maalinta berrito ah uu furmo ayaa la sheegayaa inuu baaqday ka gadaal markii madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu dalbaday , in shirkan la baajiyo.
Sida qorshuhu ahaa madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa qorsheynayay inay ka arinsadaan arinta doorashada dalka, maadaama khilaafka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu gaaray halkii ugu sareysay .
Maanta ayaa lagu waday in dhamaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ay tagaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, si maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 21-ka bisha u furmo shirka madaxda maamul goboleedyada dalka.
Farmaajo iyo Rooble ayaa isku haya cadaalad u raadinta Kiiska Ikraan Tahliil iyo xil ka qaadistii Fahad Yaasiin Xaaji Daahir agaasimihii hore ee hey’ada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka oo loo heysto kiiskan, iyadoo ay xusid mudantahay in wali aan lasoo gaba gabeyn doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, khilaafkana uu saameyn ku yeelan karo hab sami u socodka howlaha doorashada
Damqo media.
Xafiiska Muqdisho
Damqomedia@gmail.com