Kadib kulan saacado badan qaatay oo ay wada yeesheen madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayay ku xaliyeen khilaaf maalmihii u dambeeyay ka dhex taagnaa labadan mas’uul.
Wixii ka dambeeyay markii madaxweyne Qoor Qoor uu bilaabay arinta dhex dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble waxaa jiray tuhun ah in uu dhinac gaar ah la safanyahay taas oo sababtay in isaga iyo Rooble ay sii kala fogaadaan.
Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa lagu eedeeyay inuu ka horyimid in shirka madaxda maamul goboleedyada dalka lagu taageero Ra’iisul wasaaraha , maadaama Qoor Qoor uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo madaxtooyada Soomaaliya.
Kadib dadaal badan oo ay sameeyeen rag siyaasiyiin , waxgarad iyo aqoonyahano isugu jira waxaa xalay lagu guuleystay in ay isku soo dhaqaadaan Rooble iyo Qoor Qoor , iyadoo sawiro laga qaaday kulankooda ka dib ay muujinayeen farxad iyo dhoolacadeyn.
Damqomedia
Xafiiska Muqdisho
Damqomedia@gmail.com