
khamiis: September 9 – 2021 Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG Taliban, Mullah Maxamed Xasan Akhuunad ayaa sheegay in dhammaan saraakiisha dowladdii Ashraf Ghani ee dalka isaga baxay ay ku soo laaban karaan Afghanistan isagoo balan qaaday amnigooda.
Hadalkan ayuu sheegay ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG xilli uu wareysi siiyay idaacadda la iska arko ee Aljazeera Arbacadii shalay.
Waxaa uu intaas ku daray, in ammaanka safaaradaha, diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ay sugi doonaanto Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan oo Taliban maamusho.
Akhuunad oo ahaa la taliyihii dhanka siyaasadda Mullah Cumar oo ahaa aas aasaha Taliban ayaa xusay in hogaanka xukuumadda cusub ee Afghanistan ay saaran tahay mas’uuliyad weyn.
Sidoo kale, Mullah Maxamed Xasan Akhuunad, waxaa uu sheegay in ay doonayaan in xiriir wanaagsan la yeeshaan dalalka gobolka iyo guud ahaan caalamka.
“Waxaa na soo gaaray khasaare nafeed iyo mid hanti taariikha guud ahaan Aghanistan,” Akhund ayaa intaas ku daray. “ Dhiig daadin, dil iyo in la quursado dadka reer Afgahnistan way dhaatay, arrintas darteed waan u soo dagaalannay.”
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com