Madaxweyne Guudlaawe oo Casho sharaf u sameeyay xildhibaanada Cusub ee aqalka Sare ku matalaya Hirshabeelle

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay kulan casho sharaf ah wuxuu u sameeyay xubnaha cusub ee aqalka sare ku matali doona Hirshabeelle, baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa  Madaxweyne Guudlaawe ku wehlinayay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen, wasiiro ka tirsan maamulka iyo marti sharaf kale.

Qaar ka tirsan xildhibaanada cusub ee aqalka Sare ku matali doona Hirshabeelle ayaa  Cali Guudlaawe iyo madaxda kale ee Hirshabeelle uga mahad celiyay dadaalka ay ku bixiyeen sidii hirshabeelle ay uga dhici laheyd doorasho nabdoon oo xur iyo xalaal ah  , waxaana ay ku amaaneyn madaxweyne Guudlaawe in tartanka uu ka dhigay mid furan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xildhibaanada cusub ee aqalka sare ku matali doona Hirshabeelle, waxaana uu kula dardaarmay inay ku dadaalaan in xilka cusub ee lagu aaminay ay u gutaan si wanaagsan ,isla markaana ay u adeegaan bulshada ay kursiga ku matalaan .

Hirshabeelle ayaa noqtay maamulka kaliya ee si wanaagaan  uga dhacday doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya , iyadoo ay xusid mudan tahay in kuraasta la isla gaaray ilaa seddex wareeg  taas oo muujinaysa in tartanka doorashada aqalka sare Hirshabeelle uu ahaa mid adag , waxaase jira 2 kursi oo loo hakiyay khilaaf beelaha dhexdooda ah kuwaas oo lagu wado in dhowaan ay doorashadooda ka dhacdo Jowhar.

Damqo Media

Xafiiska Muqdisho

Damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here