Rooble ayaana Wakiilada beesha Caalamka uu la kulmay kala hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya ka bilowday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya qaar ma mid safiirada Beesha Caalamka .

Rooble ayaana Wakiilada beesha Caalamka uu la kulmay kala hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya ka bilowday iyo kaalintooda ku aaddan taageeradaada dhaqaale ee Beesha Caalamka.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana u sheegay Wakiilada beesha caalamka in doorashada hada ka bilaabatay qeybo kamid ah dalka, waxa uuna xusay in rajo weyn ka qabo in doorashada si daah furan ku dhacdo kuna soo dhamaato.

Beesha Caalamka ayaana hakisay lacagihii loogu tala galay socodsiinta doorashada, waxaana hada socda dadaalo Xukuumada beesha caalamka uga dhaa dhicineyso bixinta lacagta malaayiinta dollar ah ee horey ugu qorsheeyeen in ay ku taageeraan doorashada.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here