Soomaaliya waxaa weli ka socoto doorashada Aqalka Sare oo illaa iyo hadda ka qabsoontay Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland. Galmudug ayay na maanta ka socotaa doorashada.
Deegaannada qaar waxaa ka taagan musharrixiin culus oo qaarkood ay iska soo horjeedaan. Iyadoo qaar ka mid ah xubno doonayay in ay tartamaan oo la filayay in galaangal adag leeyihiin laga reebay doorashada.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wuxuu shaaciyay in uu ka mid yahay musharrixiinta u tartameysa xilka Aqalka Sare. Haddii sidaa ay dhacdo, wuxuu wajihi doonaa Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Labadoodaba, waxay madaxweyne ka soo noqdeen Galmudug.
Cabdi Qeybdiid oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare, kursigiisa weli lama shaacinin xilliga loo tartamayo, kumana jirin diiwaanka masharrixiinta ee Galmudug ay soo saartay.
Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) waa musharax u taagan kursiga Aqalka Sare, sida uu BBC-da u sheegay halka Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid-na ay noo sheegeen illo ku dhowdhow inuu yahay musharax dib u doonaya kursiga uu hadda ku fadhiyo.
Taas waxay muujineysaa in kursigaan Aqalka Sare uu sidaas ku noqonaya mid tartankiisu adagyahay, maadaama uu u dhaxeeyo laba nin oo siyaasad ahaan soo noqday madaxweynayaal, sidoo kalena galaangal badan leh.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com