Marwo: Maymuun Xassan Biyow Yerow Xaji Mahadow Cusman Cumar. waxa ey ku dhalatay Tuulada Raqayle Cumar Gudle

Marwo: Maymuun Xassan Biyow Yerow Xaji Mahadow Cusman Cumar. waxa ey ku dhalatay Tuulada Raqayle Cumar Gudle oo 7 km k/Barri uga beegan Magaalada Jowhar, oo ah deegaan Beereed Barwaaqo ah, kuna dhalatay Sannadkii 1880kii. waxa ey ka dhalatay Qabiilka Shiidle, Jufada Sagale.

waxa ey ka soo jeedaa qowys Suugaanta caan ku ahaa. Aabaheed waxa uu ahaa Nin hantiile beeraleya ahaa iyo Suugaan yahan, Sidoo kale waxaa suugan yahan ahaa Adeerkeed Maxamed Biyow oo lagu Naaneysi jiray ” Umuloow” .

Muuqaal ahaan, waxa ey aheyd Haweeney Dheer, dhuuban oo Midab Maariin ah leh. waxa ey ku labisan jirtay Dharka dhaqanka ee ” ilindiga”. ma aheyn qof cabsata waxa ey u safartay Dhamaan deegaanada la xiriiro sh/ dhexe iyo Koofurta Somaliya. Dhinaca Waqooyi waxa ey tagtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood.

waxa ey dusha ka xafidsaneyd Qur’aanka, waxa lagu sheegaa in ey aheeyd Haweeneey Caqli badan.

waxa ey guursatay markii ugu horeysay iyada oo 22 jir ah. Adan yarow waxa ey u dhashay Cambareey Aadan yarow. Guud ahaan Nolosheeda waxa ey dhashay 4 Haween ah iyo 2 Rag ah. Caruurteedii waa wada geeriyoodeen, waxaa u haray Gabadheedii Cambareey oo kaliya. Cambareey waxa ey sii dhashay Xaaji khaliif Caliyow oo mar Noqday Duqa Dowlada Hoose ee Jowhar.

Qoraaladeydii Sanadihii hore ayaan ku soo jeediyay in Jowhar laga dhiso Mundul lagu ururiyo Taariikhdeeda.

Waxaan u Mahad celinayaa intii hore wax uga qortay Taariikhdeeda, Gaar ahaa: Sadaq Xaji Xamza oo Buugiisa qalin jabinta Jaamacadda doortay in uu ka qoro Taariikhdii Marxuumad Maymuun Biyow. Halkaana kuma soo koobi karo Suugaanteedii. ( F.S: 1aad)

  1. Shibta Jowhar.

Arday Reer Jowhar ahaa, ayaa ku dhacay imtixaan looga qaaday Isguul uu ka dhiganayay Magaalda Jowhar, kadib markii la weeydiiyay, Taariikhda Halgamaa/ Suugaan yahan Somaliyeed oo aan deeganka laga aqoon oo lagu yiri: sheeg Magaca Hooyadii oo saddaxan. Ardagaa lama barin Taariikhda Suugaan yahanada, Halgamayaasha iyo Culumada Deegaankiisa sida :

Md. Faarax Maxamed Cali ” Faarax Gololeey” ( F. S: 2aad). Geedi Garabeey. Cali Gamuumaale. Ganeey Jiile. Abwaan Xassan Filay dheere. Rooble Boon. Cabdulle Raage ( F. S: 3aad). Col. Calasow dheere ( F.S: 4aad) Md. Cali Mahdi ( F.S: 5aad). Laameerkii 1aad iyo 2aad. Nabadoon Xassan Geedi Abtow. Dr. Xussen Kadare (F. S: 6aad). Sh. Xassan Barsame ( F. S: 7aad). Xaji Koogaar.( F. S: 8aad). Col. Kaawo (F.S: 9aad). Av. Sh. Cali Maxamud ” Sh. Cali Tuure” ( F. S:10aad). Sh. Cali Cabdule ( F. S:11aad). Abwaan Cumar Katiin. Abwaan Maxamed Xassan Muudeey Farax Hilibi. Calasow Shabaqle ( F.S: 12aad). Md. Nur Cade ( F. S:13aad). Caaqil Maxamud Qalimow Cabdulle. Dr. Ciise dheere ( F. S: 14aad). Dr. Cumar Calasow. Malaaq Showri iyo Kuwa kale oo aanan Magacyadoda Halkaan ku soo koobi karin, iyo Kuwa Sawiradooda aanan helin.

Xaafadaha Jowhar iyo Magaalooyinka Gobalka weli waxaa ku magacaaban Magacyadii Kacaankii uga tagay. Halgamayaashii iyo Suugaan yahanadii Sh/ dhexe Tub iyo Taalo loo dhiso iska dhaafe weli ma aragtay Luuq lagu magacaabay.

Gobalka kasta oo Somaliyeedoow, Halyeeyadaada ha hilmaamin…yaan Shib laga dhihin Taariikhda Sh/ dhexe.

FG: intaas iyo in kabadan oona Halkaan ku soo koobi karin ayaad ka heli kartaa Taariikhda Sh/ dhexe , Iga raali haada Reer Sh/dhexe. Annigu kama imaan Deegaanka Sh/ dhexe. Haddii aan wax khalday iga saxa. wixii ka dhimanna ku dara Taariikhda Maymuun Biyo iyo inta kale ee aad ka aamusteen.

Qore: Yahya Amir

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here