Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in lasoo saaro liiska guddiga doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ka socda Dowlad Goboleedka Hirshabelle .
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in xubnaha qaar cabashada laga keenay lagu bedelay kuwo ehelo la ah, halka kuwo dood ka taagneyd oo caddeymo loo la’aa la soo celiyay, kuwaas mar kale kasoo muuqan doona liiska guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Taliye Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo lahaa awoodda ugu badan ee guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed iyo Heer Federaal , kuwaas oo dooda ugu badan ay ka timid, ayaa lasoo sheegayaa inuu mar kale magacaabista guddigan saameyn ku yeeshay waxaana la sheegayaa inuu ku daray xubno uu isaga watay.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharixiinta mucaaradka ayaa marar kala duwan ku cel celiyay in taliska NISA uu wali wado faragalin ku saabsan arinta guddiga doorashada .
Damqo
Xafiiska Muqdisho
Damqonedia@gmail.com