Maamulka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, ayaa ka warbixiyay weerar koox ku hubeysnaa dareeska ciidanka Militariga soonaaliya ku qaadeen goob maqaaxi ah ahayd oo ku taala bartanaha magaalada.
Kooxdan ayaa risaas ku furay dad ku qaxweynayay maqaaxida, waxaana weerarkaas ku dhintay seddex qof halka laba kalana ay ku dhaawacmeyn.
Labo ka mid ah ragga dhintay waxaa magacyadooda lagu sheegay Cumar Nuur Coloow iyo Liibaan Cumar waxaana la sheegay in labaduba ay ahaayeen ganacsato magaalada si wanaagsan looga yaqaanay .
Afhayeenka maamulka magaalada Dhuusamareen Bashiir Maxamed Salaad Sanka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuu uga tacsiyadeeyay dadkii weerarkaas ku dhibtay isagoo sidoo kale alle uga rajeeyay dadkii ku dhawaacmay inay caafimaadaan.
Allaha unaxariisto dhamaan ganacsatadii xalay sida wuxuushnimada ah loo dilay.
Waxaan katacsiyaynaa aniga oo kuhadlaya afka maamulka Caasimada Galmudug iyo kayga falkii foosha xumaa ee xalay lagu dilay ganacsato howlahooda shaqo ee gaarka haystay,kuwana lagu dhaawacay.
Waxaan alle uga baryaa marka hore inuu naxariistiisa janno mida ugu sarraysa siiyo inta inaga baxday,qabrigana waasac uga dhigo,kitaabkooda gacanta midig kasiiyo,janatul firdowsa kawaraabiyo,inta dhaawacaana ubooga dhayo.
Dhamaan caruurta,xaasaska,waalidka,ehelka iyo asxaabta ay kabaxeena in Alle Samir jamila ugu badalo.
Waxaan intaa kadib bulshada deegaanka usheegayaa in falkaa wuxuushnimada ah dadkii gaystay hay’adaha amnigu kuraadjogaan,cadaaladana lahorkeeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan hadii alle idmo.
Waxaan ugu dambayn bulshada Caasimada Galmudug dagan iyo deegaanada hoosyimaada kacodsnaa inay lashaqeeyaan ciidamada amniga si looga baaqsado in waxii xalay dhacay aysan mardambe dib udhicin.
Damqo
Xafiiska Muqdisho
Damqomedia@gmail.com