Waxaa Dadka laga Dhaadhiciyay in Birta Canjeerada lagu dubo ee Ethiopia laga keeno ey ka fiican tahay teena

Birta Canjeerada

Ganacsade kasta waxa uu jecelyahay in waxa uu soo saaro uu suuq u helo. Farsamooyinka Ganacsatadu isticmaasho waxaa ka mid ah: ii dheh iyo Xayeysiin, mid toos ah iyo Mid dadban. Si Qofku uu u aamino in Badeecadaadu ey ka fiicantagay kuwa la Midka ah. in Maskaxda iyo Ogaalka Qofka aad ku shubto in ey u fiican tahay in uu Badeecadaada iibsado.

Dalka Ethiopia waxaan ka baranay Canjeerada, Laakin waxaan ka sameeysanaa Dalaga Annaga noo baxo. waxaana ku dubanaa Bir Canjeero oo ey Farsama yaqaanadeenu noo sameeyaan.

Hadda maxaa is bedelay?

Waxaa Dadka laga Dhaadhiciyay in Birta Canjeerada lagu dubo ee Ethiopia laga keeno ey ka fiican tahay teena. Markii aan weeydiiyay Dad badan waxa ey ii sheegeen in ey isku mid yihiin, Canjeerada lagu dubana ey isku dhedhen tahay. Anna waan soo hubsaday.

waxaa ii muuqatay:

  1. in Ganacsato Danleey ihi ey Maskaxda naga xaday.
  2. in Farsama yaqaanadii Somalida ee Biraha tumi jiray, ee Suuqyada Gudaha ku sameeyn jiray Birta Canjeero shaqa la’aan la dhigay,
  3. iyo in Ethiopia aan Lacag adag uga soo iibsano Bir Canjeero.

Cid kasta miyaan suuq u noqoneynaa ? Farsama yaqaanadeenii miyaan shaqa la’aan dhigeeynaa?

Yaanan maskaxda nalaga xadin oo aan Suuq nalaga dhigan.Farsama yaqaanadeena yaan shaqa la’aan la dhigin.waa iga Talo.

Arrintaan, Sideed u aragtaa Adiguna?

Qore: Yahya Ami

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here