Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xilkii looga qaaday wasiir ku xigeenkii amniga taasoo ah sab qarsoon.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiir ku xigeenkii Amniga maamulka Hirshabeelle Xasan Maxamed Cilmi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xilkii looga qaaday wasiirku xigeenkii amniga iyadoo aanan lagu shaacin sababta ka dambeysa xilka qaadista, mana jirto cid kale oo loo magacaabay xilkaasi.

Xilka qaadista lagu sameeyay wasiir ku xigeenkii amniga Hirshabeelle ayaa ku soo beegmeysa xili shalay baraha bulshada ku xariirto lagu faafiyay qoraalka haweeney sheegtay in wasiir ku xigeenka amniga Hirshabeelle uu ka cunay lacag dhan $1,500 oo dollar oo aay sheegtay inuu Visa Turki ah ugu soo saarayo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay wasiir ku xigeenkii amniga Hirshabeelle Xasan Maxamed Cilmi oo la xiriirta xilka qaadista lagu sameeyay iyo waliba qoraalka lagu eedeynaayay ee ah inuu lacag ka cunay hooyo Soomaaliyeed.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here