Tan iyo markii ay soo baxday warbixinta Qaramada Midoobey kasoo saartay arinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu la’yahay Eritrea , kuwaas oo sida la sheegay tababar ciidan loo qaaday, hase ahaatee markii dambe laga qeyb galiyay dagaalkii ka dhacay waqooyiga Ethiopia, waxaa cirka isku isku sii shareeray walaaca arintan ku saabsan .
Qaar kamid ah waalidiinta caruurtooda lagu waayay Eritrea ayaa dalbanaya in madaxda dowladda federaalka ay jawaab rasmi ah kasoo saarto , xaalka caruurtaas iyo hadii ay jirtaan wararka sheegaya in dagaalka waqooyiga Ethiopia laga qeyb galiyay .
Sidoo kale waxaa arintan si kulul uga hadlay xubno ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweyanaha Soomaaliya, waxaana ay dalbadeen in daaha laga qaado xaqiiqada caruurtii Soomaaliyeed ee tababarka ciidan Eritrea loogu qaaday.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu sheegay in dowladdu iibsatay caruurtaas, sababta ay uga hadli la’dahahay arintoodana ay tahay in aanay awoodin in waalidiintii dhalay ay ka dhaadhicyaan inay caruurtoodi iibisay dowladda.
Dagaalkii Ethiopia ee gobolka Tigreey kadib, waxaaa marba marka kasii dambeysa sii xoogeysanayay wararka sheegaya in ciidano Soomaali iyo Eritrea isugu jira ay ka qeyb qaateen dagaalkaas wallow Eritrea oo markii hore diidaneyd qirashada in ciidankooda dagaalkaas ka qeyb qaateen ay markii dambe qiratay .
Damqo.com
Xafiiska Muqdisho
Damqomedia@gmail.com.