Wafdigan oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gellinkii dambe ee caawa booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Turkiga.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gellinkii dambe ee caawa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

Xubnaha wafdiga waxaa kamid Xildhibaan Cabduqaadir Caraboow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Istanbul, jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka turkiga.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, mudane Cali Guudlaawe ayaa waxaa qeeb mug leh ka qaateen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Istanbul, Ganacsato, haween, Dhallinyaro iyo qeybaha bulshadaoo yar iyo weenleh.

Mudane Cali Guudlaawe oo warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay magaalada Istanbul, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga uu kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta dalka Turkiga iyo Jaaliyadda Hirshabeelle e ku nool wadanka Turkiga.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here