Waalidiinta oo watay Boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku cabirayaan dareenkooda ku aadan Carruurtooda oo ku maqan dalka Ereteriya, (Dawo)

Qaar kamid ah Waalidiinta Dhalinyaro dowladda Soomaaliya ay tababar Ciidan ugu qaaday dalka Ereteriya ayaa waxaa ay Maanta banaannax ka dhigeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Waalidiinta oo watay Boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku cabirayaan dareenkooda ku aadan Carruurtooda oo ku maqan dalka Ereteriya, ayna sheegeen in War iyo wacaal midna ay ka heyn.
Qaar kamid ah Waaldiintiinta oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya in Carruurtooda ay si deg deg ah ugu soo celiyaan.
Waxaa ay sheegeen inay maqleen in Carruurtooda tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Ereteriya in laga qeyb geliyay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya, waxaana ay dalbadeen inay dowladda Soomaaliya u kala cadeeyso.
Banaanbaxyada ay dhigayaan Waalidiinta Carruurtooda uga maqan tahay dalka Ereteriya ayaa waxaa ay badankood ka dhaceen Magaalada Muqdisho, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka jawaabayay cabashadooda uu u saaray Guddi si ay baaritaan ugu sameeyaan

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here