Waalidiinta Caruurta lagu la’yahay Eritrea oo banaanbax ka dhigay Muqdisho

Qaar ka mir ah waalidiinta ay caruurtoodu ku maqan yihiin dalka Eritrea ayaa maanta banaanbax ka dhigay Isgoyska Km 4 ee magaalada Muqdisho, waxaana ay dalbadeen in caruurtooda dib dalka loogu soo celiyo.

Waalidiintan oo isugu jiray Hooyin iyo Aabo-yaal ayaa dalbaday in caruurtooda oo  aanay muddo xitaa maqalkooda heyn in dib loogu soo celiyo, haddii ay geeriyoodeena meyd koodo loo keeno .

Waxay sheegeen in ay walaac xoog leh ka qabaan bad qabka caruurtooda oo ay sheegeen in markii hore  loo sheegay in dalka Qadar loo qaadayo, balse la geeyay dalka Eritrea , taasina ay cabsi  kusii abuurtay.

Isku soo baxa waalidiintaan ayaa imaanaysa xilli dhowaan warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey lagu sheegay inay  hayaan cadeymo muujinaya in dhalinyaro Soomaali ah ay ka qeyb qaateen dagaalkii Waqooyiga Ethiopia ee Gobolka Tigreey.

Damqo

Xafiiska Muqdisho

Damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here