Taabid Cabdi “Raisulwaarihii hore ayaa xog ka bixin kara amuurtan, hoggaanna u ahaa hay’addii fulinta xilligaas”

Hogaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka sidoo kalana mar soo ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa weerar afka ah ku qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Taabid Cabdi oo ka hadlayay arinta ku saabsan dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu waayay Eritrea  iyo xubno ka tirsan musharixiinta mucaaradka oo arintaas si adag uga hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lagula xisaabtamo xukuumaddii jirtay xilligii  Askartaas loo qaadayay Eritrea , kiiska baaritaanka caruurtaasna laga soo bilaabay Xukuumaddii Kheyre .

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in marka hore loo baahanyahay in Kheyre lagala xisaabtamo caruurtaas isla markaana cid waliba oo kiiska caruurtaas la waayay ku lug yeelato cadaaladda lala tiigsado.

Mas’uuliyiinta ka hadlay dhallinyarada Eritrea tababar loogu qaaday oo aan raq iyo ruux toona la heynin. Waxaan oran lahaa baaritaan bulshada u furan “Public Enquiry” dhexdiina ka sameeya, maadama uu Midowga Musharrixiinta xubin idin kala yahay Raisulwaarihii hore oo xog ka bixin kara amuurtan, hoggaanna u ahaa hay’addii fulinta xilligaas. Ood dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa!

Sidookale, markale ayaan ku celinayaa in Dowladda FS laga sugayo iney ummadda u run-hadasho haddii ciidan tababar u baxay loo adeegsaday danno ka baxsan midda Qaran ee loo diyaarinayay.

#RabbiTaloKuFilan.

Hadalka  Taabid Cabdi wuxuu yimid kadib markii xubmo ka tirsan midowga Musharixiinta ay si adag uga hadleen arinta kiiska caruurta Soomaaliyeed ee Eritrea lagu  kuwaas oo sida la sheegay kaga qeyb galiyay dagaalkii ka dhacay waqooyiga Ethiopia

Damqo.com

Xafiiska Muqdisho

Damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here