Midowga Musharraxiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ka waday magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho xalay kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Midowga Musharraxiinta, waxaana la sheegay in ay uga hadleen hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka 2021-ka.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoomiyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha golahaasi musharaxiinta badbaado Qran, waxaana goob jog ka ahaa inta badan musharixiinta sida ay saxaafada u sheegeen goob joogayaal goobta ka muuqday.

kulanka ayaa ahaa mid is xog-wareysi ah, sida uu shaaciyey madaxweyne hore, Sheekh Shariif Sheekh oo qoraal kooban soo saaray, kadib shirkaasi.

“Waxaan iska xog wareysannay marxaladihii ugu dambeeyey ee xaaladda dalka iyo doorashooyinka la filayo dhawaan inay bilaabmaan.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan golaha la magac-baxay Midowga Musharraxiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ka waday magaalada Muqdisho si ay uga mira dhaliyaan hamigooda siyaasadeed.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here